Fanaanad xabsi & ganaax ku muteysatay hadal aan macno laheyn oo kaftan ah (Daawo Sawirro)

Fanaanad lagu magacaabo Sherine Cabdiwahaab oo u dhalatay dalka Masar ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah, kadib markii ay si kaftan ah u sheegtay in wabiga Nile-ka biyihiisu aysan nadiif ahayn.

Wargeyska Al Ahram ayaa tabiyay in sidoo kale lagu xukumay lacag damaanad ah oo dhan $204 dollar, iyo ganaax dhan $408 dollar.

Hadalkan kaftanka ah ayey sheegtay kadib markii talefishin laga weydiiyay inay ku heesto, heesta magaceedu yahay (Mashribta Minal Niil) oo micnaheedu yahay (Waligaa biyo maka cabtay Wabiga Nile)

Waxayna ku jawaabtay “Calool xanuun ayaan ka qaadayaa haddii aan cabbo biyaha Nile-ka” waxaana hadalkaas ka carooday shacabka Masar oo aan ogoleyn in wax laga sheego wabiga Nile-ka oo ah laf dhabarta nolosha dadka, xitaa haddii qofka uu kaftamayo, waxaana arrintaas cashar adag ka baratay haweenay heesaa caan ah.

Hobalada muusiga ee dalka Masar ayaa sidoo kale sheegay in gabadhan ay ka mamnuuceen in ay heesto gabi ahaanba, taasoo ciqaab looga dhigayo hadalkii ay ka sheegtay wabiga.

Sharine ayaa raaligalin ka bixisay hadalkeeda oo ay sheegtay inuu ahaa mid doqonimo ah oo aan laga fiirsan.

Dalka Masar aad ayaa loo jecelyahay wabiga, waana arrin amniga qaranka dalkaas ku saabsan, mana jirto cid loogu dulqaadanayo wax yar oo ku saabsan wabiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -