Laftagareen oo ka hadlay sida loo xaliyey khilaafkii ka dhashay muddo kororsigiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xafladda Xiritaanka Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Dowlad-goboleedka KGS.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sidoo kale ka qeyb galay Xaflada Xiritaanka Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin isugu jiray Odayaal dhaqameed, wasiiro, Xildhibaano iyo Bulshada rayidka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ugu mahadceliyay siduu u maareeyay islamarkaana ku soo dhammeeyeen isfahan iyo wadajir si loo gaaro Koonfur Galbeed oo mid ah, madaxda dhammaantood ayaa waxay tilmaameen inta uu socday Shirka labada dhinacba ay muujiyeen xasilooni iyo degannaan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa u mahad madaxda sare ee federaalka ee ka qeyb qaatay xalinta khilaafkii siyaasadeed ee ka jiray muddo kororsiga halka sano ah, isagoo xusay in Koonfur galbeed aysan ka jirin colaad siyaasadeed balse waxa jiray ee la xaliyey ay ahaayeen kala aragti duwanaansho siyaasadeed.

“Ma jirto cid guuleysatay, iyo cid laga guuleystay, ma jirto cid is heysatay, waxaa guuleystay shacabka Koonfur galbeed iyo Soomaali oo dhan, waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo labo jeer ku soo laabtay Baydhabo isagoo shaqo badan ay u taalo, kana miro dhaliyey dib u heshisintii ka dhacday halkan” ayuu yiri Laftagareen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo Hormuud u ahaa gogoshii ka fidsaneyd Baydhabo oo uu caawa si rasmi ah u soo xiray ayuu uga mahadceliyay qofkastoo ka shaqeeyay una dulqaatay inuu si nabad iyo xasilooni leh uu ku soo dhammaado Shirka dib u heshiisiinta KGS, isagoo xusay inta uu Shirka socday lala kulmay caqabado kala duwan, kuwaas oo uu sheegay in dhammaan  culeyskaasi la xaliyay laguna soo gabagabeeyay jawi wanaagsan.

default

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -