Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Dowlada Somalia oo qareen u qabatay burcad baddeed lagu Maxkamadeynayo India

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa goob joog ka ah dhageesiga horgeynta Maxkamadeed ee muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 35 muwaadin kuna sugan saldhiga Yellow gate ee Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Maxkamada (Kala Ghoda) ayaa maanta waxaa ka furmaya kiiska Muwaadiniintaan iyadoo Safaaraddu u qabatay  Qareen Mr Vishwajeet Singh in uu Maxkamadda horteeda uga doodo muwaadiniintan Soomaaliyeed ee lala-xariirinayo fal Burcad-badeednimo.

Dowladda Hindiya ayaa dhowaan magaalada Mumbai gaysay 35 ruux oo burcad baddeed Soomaali ah, maalmo ka dib markii ciidamadeeda baddu ay howlgal ay ku furteen shaqaalihii iyo markabkii MV Ruen ka fuliyeen biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya.

Afduubkii bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday markabka MV Ruen ee uu ka dul babbanayay calanka Malta ayaa ahayd markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii oo lagu guulaysto in markab nooca xamuulka ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida laga soo furto.

Related posts

Deni oo Magacaabay xilalkii ugu badnaa oo ay ku jiraan Taliyeyaal & Gudoomiyeyaal gobol

Caydiid Ali

Sidee Xassan Shiikh iyo Wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Asmara? (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo Ballan qaaday in uu wax ka qabanayo Cabasho loo gudbiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---