Maxkamad xukun adag ku riday rag Al Shabaab hub iyo gaari ula goostay (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada Jubbaland ayaa maanta lasoo taagay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi, Xassan Cabdullaahi Maxamed iyo Mukhtaar Maxamed Cali oo loo haysto in ay ku kaceen qayaano qaran islamarkaana ay la goosteen gaari Hartop ah, qori dabajeex ah iyo qori AK47 oo ay lahayd Jubbaland .

Eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xassan Cabdullaahi Maxamed waxa uu xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland kusoo eedeeyay in ay argagixisada u gacan galiyeen gaari Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah oo bulshada loogu adeegayay.

Labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa la falgalay argagixisada iyaga oo aaminsanaa in ay geli doonaan nolol ka duwan noloshoodii hore, balse waxa ay ku dhaceen dhagartii lagu yaqiinay kooxda Argagixisada, waxaana looga baxay balankii ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ marka ay argagixisada gaariga iyo qoriga u geeyaan.

Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa ku eedeysan in Al Shabaab uu u gacan galiyey qori BKM ama dabajeex ah, kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500$ kadibna u hayaamay gobolka Baay gaar ahaana magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kasii amba qaaday in uu qeyb ka noqdo ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka, hayeeshee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland oo muddaba baadi goobaysay ayaa xogtiisa heshay ugu dambayna gacanta  kusoo dhigtay.

Xeer ilaaliyaha ciidamada maamulka Jubbaland G/le dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxmakadda ka hor akhriyey eedda loo haysto eedeysanayaasha maanta maxkamadda kaso hor muuqday.

Dhinaca kale sargaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland islamarkaana baare ka ahaa kiiskan ayaa Maxkamadda u faah-faahiyay eedda loo haysto sadexda eedeysane ee ku kacay khayaanada qaran.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le dhexe Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay xukunka saddexda eedeysane oo lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan hantidii ay Argagixisada ka iibsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -