(Daawo sawirro) Madaxweyne Trump oo qaaday talaabo ka yaabisay shacabka Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilaabay ololihiisa doorashada sanadka 2020-ka, isagoo magacaabay agaasimaha doorashadiisa.

Brad Parscale oo horey uga tirsanaa shirkadda Trump, hawlo badana ka qabtay ololihiisii 2016-kii ayaa loo magacaabay agaasimaha ololaha doorashada Trump ee 2020-ka.

Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee xilka haya oo 3 sano ka hor muddo xileedkiisa ku dhawaaqay inuu yahay musharax.

Eric Trump oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Brad uu yahay qof ku habboon xilka loo magacaabay, wuxuuna sheegay inuu heysto kalsoonida qoyska reer Trump.

Waxyaabaha yar ee laga ogyahay ninkan ayaa waxaa ka mid ah in sanadkii hore uu ka mid ahaa dad ay su’aalo weydiiyeen xildhibaanada Aqalka Congress-ka arrimo la xiriira fadeexada Ruushka ee farogalinta doorashada.

Ololihii sanadkii 2016-kii, waxa uu ka mid ahaa dadkii maamulayay baraha bulshada, wuxuuna barnaamijka 60 minutes ee ka baxa taleefishinka CBS u sheegay in uu maalin kasta samayn jiray illaa 60,000 xayaysiimo ah oo xagga Facebook ah si war loo gaarsiiyo taageerayaasha Trump.

Trump ayaa xilka haya hal sano iyo dhowr bilood kaliya, waxaana dad badan oo maraykan ah la yaab ku noqotay inuu u halqal taagayo afar sano kale, iyadoo muddo xileedkiisa koowaad ay ka dhiman tahay ku dhowaad sadex sano.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -