Allbanaadir.com
PUNTLAND

DEG DEG: RW Abiy Ahmed oo ka soo degay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada  Muqdisho, taasoo jawaab u ah safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu horraantii sanadkan 2025 ku tagay Addis Ababa, kaddib Baaqii Ankara Declaration oo dowladda Turkiga garwadeenka aheyd, laguna xaliyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaana si diiran u soo dhoweeyey Madaxweynaha Somalia Xassan shiikh Maxamuud, wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Abiy ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaasoo uu kulamo kula yeelan doono madaxda DF Somalia

Ammaanka Caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyay, qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda ayaa la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyada Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Sawirada Abiy Ahmed iyo calamada Somalia iyo Itoobiya ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee isku xirta garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada waa booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019.

Kaddib safarka Abiy ayaa la filayaa inuu todobaadyo kaddib uu booqasho ku yimaado Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isku mari doona Muqdisho iyo Addis Ababa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo danjire Mr. Staffan Tillander? (Sawirro)

Caydiid Ali

Oday dhaqameed caan ah oo lagu dhex toogtay Masjid ku yaalla Boosaaso

Caydiid Ali

Madax kala duwan oo ka qeyb gashay Aas loo sameeyay Jeneraal Careys (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---