Shir xasaasi ah oo Madasha Badbaado Qaran uga furmay Muqdisho (Sawirro)

Shirka Madasha Badbaado Qaran ayaa ka furmay galabta Hotel ku yaalla gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho,

Madasha ayaa waxaa ku mideysan maamulada Puntland iyo Jubbaland, Midowga Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta Somaliland.

Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa warbaahinta la wadaagay in kulamada Madashu sii socon doonaan inta dalka laga badaadinayo xaaladda uu marayo.

“Sida aanu wada ogsoonahay dalkeena in muddo ah ka taagan oo la isku heystaa doorasho loo siman yahay oo la wada leeyahay sida dalka looga qaban lahaa., Madashan waxay isu taagtay sidii dalka looga saari lahaa marxalada adag ee uu ku jiro” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Waxaa uu soo hadal xaalada amniga dalka oo uu sheegay iney tahay mid aad liidata.

“Afgooye waxay Xamar u jirtaa 30km, madaxda dowladana baabuur intey qaataan ma tegi karaan, dayuurad baa lagu tagaa, xaalada sidaas ah laguma sii jiri karo, waxayna u baahanahay ineynu wadahadalno, heshiino, dalkana laga badbaadiyo dhibaatada ka taagan, hadii aynaan dowlad loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay aanan dhisana lagama baxayo dhibaatada. madasha shirkeedii waa furmay, waana soconayaa ilaa la helo waxay Soomaali heshiis ku wada tahay” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Shirka madasha badbaado Qaran uga furmay Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili maalintii labaad uu ka socdo teendhada Afisiyooni shirkii wada tashiga madaxda DF iyo dowlad goboleedyada inkastoo madaxda Puntland iyo Jubbaland ay diideen ka qeyb galka shirkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -