Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Muuse Biixi oo xilka ka qaaday mid kamid ah Golihiisa Wasiirrada (Wareegto)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga kuna magacaabay wasiir cusub.

Wareegtada madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu cadeeyay in xilka laga qaaday Axmed Aadan Jaamac oo ahaa wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, waxaana wareegtada xilkan loogu magacaabay Raabbi Cabdi Maxamed.

Halkan ka Akriso wareegtada xil ka qaadista

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Axmed Aadan Jaamac;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer MiyigaSida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta.

Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay wasiir Cusub.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Huwan ah oo la wareegay Deegaan Al Shabaab Saldhig weyn ku lahaayeen

Cabdi Cade

Shirkadda AIRBUS oo sameysay nooc cusub oo dayuurad rakaab ah (Sawirro)

Caydiid Ali

James Swan oo Deni kala hadlay xalinta khilaafka Puntland & DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---