Dowlada Somalia oo xirtay Koontooyin ganacsi iyo baaris bilaabatay (Akhriso)

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), kaas oo loo adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha kaas oo ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa lagu yiri, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), loona adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah.”

Sidoo kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in SJS loo haysto, “fal-danbiyeedyada ku xusan Qodobada: 372, 378, 452/3 ee Xeerka Ciqa- abta Soomaaliyeed iyo Qodobada 8aad, f- laad, Qod. 16aad f- laad, Qod. 26aad ee Sharciga Saxaafadda Xeer Lr. 26, ee soo baxay 30/07/2020.”

Maxkamadda oo ka jawaabaysa codsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa ay soo saartay amar Fatashaad iyo Xayiraad waafaqsan qodobada 53,54,55 XHCS. Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ee Qaranka.

Ugu dambeyn Xafiiska ayaa sheegay in marka uu baarista dhamaystiro uu eed waafaqsan qodob- ka 7laad ee XHCS u gudbinayaa Maxkamadda gobolka Banaadir.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA MAXKAMADA IYO XEER ILAALINTA

- Advertisement -