Madaxweyne Erdogan oo shaaciyey inuu difaaci doono madax banaanida Somalia

Madaxweynaha Turkga Recep Tayyip Erdogan oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa ballan qaaday in Turkigu uu difaaci doono madax-banaanida dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Hadalka Erdogan, oo la mid ahaa mid uu madaxweynaha Masar Cabdulfatax al-Sisi jeediyay bishii hore, ayaa ku soo aadaya maalmo un ka dib markii Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis dhinaca difaaca ah.

Erdogan oo Qaahira ka hadlayay ayaa yiri “Waxaan wada hadalnay Liibiya, Soomaaliya iyo Suudaan, waxaannna ku heshiinnay ilaalinta xornimada iyo midnimada dalalkaas.”

Daka ka faallooda arrimaha gobolka ayaa u arka booqashada Erdogan ee Masar, oo imaanaysa 12 sano kadib markii uu xumaaday xiriirka labada waddan, inay qeyb ka tahay isku fidinta dhinaca dhaqaalaha iyo milatariga ee Turkiga ee Qaaradda Africa.

- Advertisement -