Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo Runta u sheegay Guddoomiye Cali Jeyte

Waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeya wasaaradda maaliyadda maamulka Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan, khilaafka ayaana salka ku haya lacagaha canshuurta ee laga qaado gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaana kahor yimid in lacagta canshuuraha ee labada gobol ee Hirshabelle in la mideeyo laguna shubo lacagtaasi qasnadda wasaaradda maaliyadda ee magaalada Jowhar.

Cali Jeyte ayaana raba in lacagta canshuuraha ee soo gala gobolka Hiiraan in isagu maamulo wax shaqo ahna aysan ku yeelan wasaaradda maaliyadda, halka madaxweyne Cali Guudlaawe isna doonayo in lacagtaasi wasaaradda qasnadeeda kusoo dhacdo.

Xildhibaan Maxamed Caanoy oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ee lagu soo doortay Baledweyne ayaa sheegay in maaliyadda gobolka Hiiraan uusan shaqo ku laheyn Cali Jeyte, waxa uuna xusay in maaliyadda ku magacaaban yahay guddoomiye kuxigeen.

Waxa uu sheegay xildhibaanka canshuuraha ee soo gola gobolka Hiiraan in ay bixiyaan kana timaado beelo kala duwan oo dega gobolka , waxa uuna xusay Cali Jeyte in aysan shaqadiisa aheyn canhuur qaadis , balse ay tahay hooshiisa mid maamul.

”Maaliyadda iyo daqliga gobalka Hiiraan waxaa u xilsaaran guddoomiye kuxigeenka maaliyadda iyo siyaasadda. Lacagta waxay ka timaadaa beelo kala duwan oo gobalka ku nool. Cali jeyte waxuu ku magacaaban yahay gudoomiyaha gobalka, shaqadiisuna ma ahan canshuur ee waa maamul ee runta ha laysku sheego” ayuu yiri Xildhibaan Caanow.

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli la sheegay in guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan isku koobay awoodda gobolka Hiiraan uuna isagu rabo in uu maamulo lacagta maamulka usoo xarooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -