Akhriso Qodobada lagu heesto Su’aalahana laga weydiin doono Wasiir Maareeye

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Gudoonka golaha shacabka u gudbiyay mooshin loogu yeerayo Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya si ay Xildhibaanada su’aalo u weediiyaan.

Wasiir Maareeye ayaana looga yeeray xarunta golaha Shacabka si su’aalo looga weediiyo qodobada ku xusan mooshinka laga soo gudbiyay , waxaana Wasiirka la filayaa in Xildhibaanada marka uu hortago la weediiyo su’aalo badan.

Xildhibaanada mooshinka u yeerista ka gudbiyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Waare oo gaaraya 11 Xildhibaan ayaa sidoo kale soo bandhigay qodobada ku xusan mooshinkoda laguna heesto Wasiirka.

Qodobada Wasiirka lagu heesto waxna laga weydiin doono ayaa waxaa kamid ah

  • Cadaalad la’aanta baahinta doodaha golaha shacabka.
  • Sababta aaney u soo gudbin doodaha waqtiga ku haboonaa
  • Sababta SNTV oo ah warbaahin qaran aan looga baahin doodaha oo dhameystiran

Warbaahinta dowlada ayaana lagu eedeeyay in aysan dhax dhaxaad ka aheyn Hay’adaha dowlada , waxaana la sheegaa in kaliya ay baahiso doodaha iyo barnaamijyada ay raaliga ka tahay Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -