Madaxweyne Deni oo goordhaw magacaabay Guddi kor u qaadaya dhaqaalaha Puntland

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu goordhaw soo saaray ku magacaabay guddi loogu tala galay in ay dardar-geliyaan wax soo saarka iyo kobcinta dhaqaalaha maamulkaasi.

Guddigan uu madaxweynaha magacaabay oo u badan wasiirro katirsan maamulkiisa ayaa qiimeyn ku sameyn doona sida ugu dhaw ee loo horumarin karo dhaqaalaha maamulka Puntland sarana loogu qaadi karo ganacsiga ka jira deegaannada maamulkaasi.

Magacyada Xubnaha Guddiga:

1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin

Waajibaadka Guddiga:

1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.

2. Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.

3. Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.

Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -