Ciidamada Maraykanka oo duqeyntii Sadexaad bil gudaheed ka geystay Koonfurta Somalia

Ciidamada Mareynkanka ayaa duqeyn dhinaca cirka oo 26-kii bishan Febraayo oo shalay ku beegneyd ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareynkanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab , qaar kalena lagu dhaawacay, iyadoo aanay wax khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah sida qoraalka lagu xusay.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro kooxaha Al-Shabaab oo ay sheegeen iney tahay koox argagixiso ah oo qatar ku haysa nabada Soomaaliya iyo caalamka.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo ciidamada Maraykanku sheegeen iney 19-kii iyo 21-kii  bishan ka geysteen degaano ka tirsan gobolada Jubooyinka, dhinaca kale Al-shabaab ayaan ka hadlin sheegashada Maraykanka, inta baddana loogama baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -