Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawiro) Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Deg-degga ah (NETP).

Kulanka, oo uu furay Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyada Mudane Maxamed Adan, waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socda hay’adda Maareeynta Musiibooyinka, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, wakiilo ka socda shirkadaha Isgaarsiinta, iyo wufuud ka socota Ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ITU, Ururka Nidaamka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Moobeelka (GSMA), UNICEF, IFRC, UNDP, iyo Bangiga Adduunka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah oo ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee ku aaddan ilaalinta isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, isagoo sheegay in qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha deg-degga ah ay si weyn tiir ugu yihiin firfircoonida shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Maxamed Macalin Aadan ayaa sheegay in Isgaarsiintu ay muhiim u tahay gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, sidoo kale ay ka go’antahay ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Macalin ayaa tilmaamay in qorshuhu yahay in la dhiso nidaam isgaarsiineed oo adag si fududna uga jawaabi kara xaaladaha deg degga ah, islamarkaana kor u qaadaya awooda qaranka ee maareynta musiibooyinka, hababka digniinaha iyadoo la isticmaalayo shabakadaha isgaarsiinta.

Masuuliyiinta ka socotay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) iyo GSMA oo goobta ka hadlay ayaa si faah faahsan u bixiyay habka fulinta NETP, digniinta guud (CAP), iyo nidaamyada digniinta hore oo ku shaqeeya fariimaha Mobeellada (CB EWS).

Related posts

Safiirka dowladda Denmark oo raaligelin ugu tagay Wasiir Axmed Fiqi (Sawirro)

Cabdi Cade

Dilal badan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maxkamad dembi ku weysay heyad Islaami ah oo loo heysto iney taageerto argagaxiso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---