Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Nin Dilay Xaaskiisa iyo nin kale oo saakay Xukun dil ah lagu fuliyay (Daawo Sawirro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay horey dilal u geesteen, waxaana  xukunkan dilka ah uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarnta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ayaana saakay lagu toogtay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, waxaana ragan midka hore lagu helay in uu dilay xaaskiisa ,halka kan kalana uu dilay askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Saraakiil ciidan iyo ehelada marxuumiinta ay ragan horey u dileen ayaa saakay goobjoog ka noqday goobta lagu fulinayay xukunkan dilka ah, waxaana ragan xukunka horey ugu riday maxkamadda ciidamada.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa wada fulinta xukunnada dilka ah ay ku riday rag loo heesto in ay dilal geesteen, waxaana maalmo kahor Muqdisho lagu dilay saddex nin oo lagu helay in Al Shabaab la shaqeenayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Ukraine oo iska diiday Dalab xasaai ah oo uga yimid Mareykanka

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo Gantaal la helay Markabka MV Groton (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira inuu dalka ka baxsaday Agaasimihii heyadda Socdaalka DF?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---