Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Sheekh Aadan Madoobe oo wareejiyay Lacag lagu xalinayay Dhacdooyinkii Baydhabo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee shirka dib u heshiisiinta KGS oo ay ka qeyb galeen golaha odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo guddiga farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray ayaa guddiga farsamada shirka iyo guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen warbxin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen dhacdooyinkii Baydhabo ka dhacay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay Dhacdadii 23-kii December 2022, isagoona xusay wixii culeys ah ee ka yimaada la xalin doono, ismarkaana wixii warbxintooda dib ay ugu soo celiyaan Guddoomiyaha.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gabagabada shirka, waxaa uu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo lagu wado in wajiga 2aad ee dagaalka Khawaariijta ka bilaawdo deegaanada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo si lama filaan ah xilkii uga qaaday Jeff Session

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo la dilay

Cabdi Cade

Bilkheyr Islamic Online oo Ogeysiis muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---