Allbanaadir.com
NEWS

Asalka Colaadda Taariikhiga ah ee India iyo Pakistan

Kashmiir waa mid ka mid ah gobollada ugu badan ee lagu muransan yahay adduunka, tan iyo bartamihii qarnigii 20-aad, colaad Kashmiir waxay noqotay mid daba dheeraatay oo u dhaxaysa laba dawladood oo ku hubaysan hubka Nuclear-ka, waa Hindiya iyo Pakistan.

Isku dhacu wuxuu soo bilowday dhamaadkii xukunkii Ingriiska ee Hindiya sanadkii 1947-kii, iyo kala qaybintii dhiigu ku daatay ee dhashay abuuritaanka laba dawladood oo madax banaan, oo kala ah Hindiya oo Hinduu u badan iyo Pakistan oo Muslim u badan.

Asalkii hore ee Qaybinta iyo Xaalada Kashmiir Markii Hindiya ay xornimadeeda qaadatay, dawladaha nidaamka amiirriga ah oo dhamaa tiro ahaan 565, ayaa loo soo bandhigay kala doorashada ku biirista Hindiya ama Pakistan. Go’aamada ku biirista ayaa ahaa kuwo la filaayey inay ku salaysnaadaan juqraafi ahaan iyo qodobbada dadka, gaar ahaan diinta. Si kastaba ha ahaatee, gobolka Jammu iyo Kashmir wuxuu ahaa mid xalkiisu adkaa oo ka reebanaa, wuxuu ahaa gobol muslimiintu u badan yihiin, laakiin uu xukumo Amiir haysta diinta Hinduuga, oo la odhan jirey magaciisa Maharaja Hari Singh, kaasoo doorbiday inuu sugo oo aanu labada dhinac dhinacna ku biirin.

Bilawgii iska horimaadka iyo ku darsashadii Kashmir ee Hindiya October sannadkii 1947-kii, dagaalyahano qabaa’il ah oo taageersanaa Pakistan ayaa ku duulay Kashmir iyagoo isku deyaaya inay si xoog ah ugu daraan gobolka curdinka ah dawlada ka dhalatay Pakistan. Iyada oo laga jawaabayo taa, Maharaja ayaa Hindiya ka dalbaday kaalmo militari, isagoo shuruud ka dhigaya ama xasuusinya saxiixa dukumentiga ku biirida, taas oo ay Hindiya siisay Kashmir madaxbannaani sharci ah. Hindiya way aqbashay codsigaas, waxayna ciidamadeeda u dirtay gobolka, sidaasna waxaa ku bilaabmay dagaalkii ugu horeeyay ee Hindiya iyo Pakistan sannadkii 1947-kii.

Faragelinta caalamiga iyo qaybinta Kashmir ayaa waxay ahayd Bishii January sannadkii 1949-kii, iyada oo ay dhex dhexaadinayaan Qaramada Midoobay, waxaana la gaadhay heshiis xabbad joojin ah, oo si wax ku ool ah Kashmir ugu qaybiyay laba qaybood.

– Qaybta Hindiya la siiyey gobollada Jammu iyo Kashmir iyo Ladakh.

– Qaybta Pakistan waxaa ka mid aha oo la siiyey Azad Kashmir iyo Gilgit Baltistan.

In kasta oo Qaramada Midoobay ay ku baaqday in la qabto afti si loo go’aamiyo rabitaanka dadka, laakiin aftidan ayaa noqotay mid aan qabsoomin sababo la xidhiidha khilaaf u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan oo ku saabsan shuruudaha.

Xiisadaha ayaa sii socday, iyadoo dagaalo dheeraad ahi ay dhexmareen labada dhinac sannadihii 1965-kii iyo 1971-kii, iyo sidoo kale iska horimaadyo xaddidan oo ka dhacay Kargil sannadkii 1999-kii. Hindiya ayaa marar badan ku eedeysay Pakistan inay taageerto kooxaha hubeysan ee ku sugan Kashmir, halka Pakistan ay sheegtay inay difaacdo xuquuqda Kashmiris ee aayo ka tashiga.

Bishii August sannadkii 2019-kii, dawladda Hindiya waxay laashay qodobka 370 ee dastuurka, kaas oo siinaya madaxbannaani gaar ah gobolka Jammu iyo Kashmir, taasoo cadho ka dhalisay dhinaca Pakistan iyo kor u kac diblomaasiyadeed. Waxaa xigay labada dhinac tallaabooyin adag oo dhanka ammaanka ah oo laga sameeyay gobolka, iyadoo la xaddiday dhaqdhaqaaqa iyo isgaadhsiinta, taasoo keentay dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheysa.

 

Related posts

Mareykanka oo cabsi hor leh lasoo daristay kadib markii dalkaasi uu gaaray bahal dadka dila

Cabdi Cade

Sidee loo sugayaa amniga Madaxweyne Xassan Shiikh inta uu joogo Galmudug?

Caydiid Ali

Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga oo Abaabul dagaal ka bilaabay Galgaduud (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---