Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Benadir oo u dabaaldegtay Sannad guuradeedii 10aad (Daawo Sawirro)

Kulliyadda cilmiga Beeraha oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee  Jaamacadda Benadir ayaa u dabaaldegtay sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo gelinkii dambe ee shalay xaflad arintaas la xiriirta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada sida beeraley, arday, macalimiin, ganacsato ka socotay shirkado kala duwan,  aqoonyahanno, hogaanka sare ee Jaamacadda, masuuliyiin xilal sare ka soo qabtay Wasaarada beeraha Somalia iyo xubno kale.

 Hormuudka Kulliyadda Beeraha Dr. Maxamed Shiikh Cali ayaa ugu horeyn warbixin ka bixiyay aasaaskii Kulliyadda Beeraha, marxaldihii ay soo martay, qeybaha kulliyadda, nidaamka waxbarashada, guulihii ay gaartay iyo hiigsigeeda mustaqbalka.

 “Kulliyadda Beeraha Waxaa la aasaasay bartamihii Bishii Agoosto ee sanadkii 2008, Waxaana dhidibada u aasay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo cilmiga beeraha bartay ka dib markii la arkay baahida loo qabo in la helo jiil cusub oo cilmiga beeraha yaqaan maadaama  ay burburtay Kulliyadda cilmiga beeraha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed”  ayuu yiri Dr. Maxamed Shiikh Cali.

Waxaa uu intaa ku daray in kulliyadda Beeraha ee Jaamacada Benadir loogu tala galay inay noqoto mid ka mid ah xarumaha ugu horreeya waxbarashada, tababarrada, cilmi baarista iyo fidinta cilmiga beeraha ee bariga Afrika, isagoo xusay in Kulliyadda ay ka qalin jebisay mudadii ay jirtayt ilaa 7 dufcadood oo ka kooban 254 arday, kuwaasoo buu yiri qaarkood takhasusyo shahaadada Masterka ku soo qaatay waddamo kala duwan sida Talyaaniga, Maleysia, Bengaladesh, Turkiga iyo Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in qalin jebiyayaasha badankood ay ka shaqeeyaan meelo kala duwan, isagoo hoosta ka xariiqay in Kulliyaddu ay wada shaqeyn la leedahay heyadaha caalamiga ah ee ku hawlan horumarinta beeraha.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay munaasabadan ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan sanadguuradooda 10aad u diray, Maamulka, ardayda iyo Macaliinta kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Benadir isagoo Dhinaca kale, ka hadlay  muhiimada uu leeyahay cilmiga beeraha, maadaama dhaqaalaha Somalia uu ku tiirsan yahay intiisa badan tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha.

“Waxaan ku bogaadinayaa Kulliyadda beeraha ee Jaamacada Benadir sida ay uga soo dhalaashay kaalinteeda, waxaana dhammaan bahda kuliyadda beeraha u rajeynayaa mustaqbalka horumar midkan ka sii balaaran” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo sidoo kale ku dheeraaday dedaalkii ay 10 sanadood ka u gashay Jaamacadda hirgelinta kuliyaddan.

Dr. Cabdi Axmed Baaffo oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Somalia oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay baahida loo qabo in la helo kaadiriin aqoon durugsan u leh cilmiga beeraha, isagoo intaa ku daray in kuliyadii beeraha ee Jaamacada ummada ay ka baxeen aqoonyahano tiro yar oo uu sheegay in badankood ay dalka ka maqan yihiin, isagoo kuliyadda beeraha ee Jaamacada Benadir ku amaanay dedaalka ay muujisay mudadii ay jirtay, isagoo ku booriyey iney sii xoojiyaan.

Intii ay socotay munaasabadan ayaa waxaa lagu daawaday Filim documentary ah oo ka hadlayay waxqabadka Kulliyaddan iyo dedaalka ay ugu jirto soo saarida aqoonyahano ka qeyb qaata horumnarinta beeraha dalka.

Waxaa si rasmi ah xafladda u soo xirey Senator, Prof. Cismaan Xaaji Max’uud Dufle oo ah guddoomiyaha guddiga adeega bulshada aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo sheegay in Somalia ay horumar dhaqaale hiigsaneyso mustaqbalka, aqoonyahanada  beerahana ay yihiin kuwa ugu horeeya ee looga fadhiyo iney hormuud ka noqdaan, wuxuuna ugu dambeyntii hambalyo u diray Jaamacadda Benadir iyo Kulliyaddeeda Beeraha.

Xiritaanka xafladda ka dib waxaa la daawaday qalab beeraha loo adeegsado oo dalka lagu farsameeyay kuwaasoo uu soo bandhigay Eng Cabdulqaadir Cumar.

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi farxadeed ayaa waxaa hadalo isugu jira hambayo iyo guubaabo ka soo jeediyey aqoonyahano iyo masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir ee dhinaca Waxbarashada Eng. Khaliif Muuse, hormuudka Kuliyadda Xanaanada Xoolaha ee Jaamacada Dr. Cumar Max’uud Kulmiye, hormuudkii hore ee Kulliyadda Beeraha Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waagii dowladdii Kacaanka Prof. Cabdulqaadir Xasan Shirwac iyo xubno kale oo ay laga xusi karo Eng. Cabdulqaadir Cumar,  Dr. Cabdulqaadir Abow iyo  Dr. Axmed Maxamed Bahdoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -