Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha XDS oo kormeeray taliska cusub oo ciidanka Lugta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Xoogga ayaa maanta kormeer ku tegay taliska cusub ee loo diyaarinayo ciidanka dhulka.

Xaruntan oo lagu magacaabo Kabka ayaa ku dhex taalla dhismaha Ex-Kulliyadda ciidamada Jaalle Siyaad ee degmada Hodan, waxaana ka socda dhisme iyo diyaarin xoog leh.

Taliyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xerada, waxaana uu hubiyay sida ay ugu diyaarsan tahay in lagu leyliyo askar cusub oo kamid noqonaya ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan maanta kormeer guud ku sameynay xarunta Taliska ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan dib u habeen casri ah ku bilaawnay, waxaana naga go’an inaan qalabeyn iyo dib u dhis intaba ku sameyno goob kasta oo Ciidanka XDS uu ku shaqeeyo” ayuu yiri taliyaha

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Jill Biden haweeneyda loo badinayo iney noqoto Marwada 1aad ee Maraykanka

Caydiid Ali

Kulamo xasaasi ah oo caawa ka kala socda hoyga Guddoomiye Mursal & Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---