Sidee Madaxweyne Qoorqoor loogu soo dhoweeyey Magalada Baydhabo? (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoorqoor iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha KGS Mudane C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), goloyaasha dowladda, maamulka Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeyb ka ah maadaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Baydhabo ka furmaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud. RW Xamse iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaana isna ku wajahan Baydhabo maalinta beri ah si uu uga qeyb galo shirkaas oo uu qaadacay Madaxweynaha Puntland oo khilaaf uu kala dhexeeyo DF.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -