Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso ah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda Janaazadda ku tukaday AUN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib tacsi gaar ah la wadaagay qoyska iyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ugaasku. “Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaaho Ugaas Faarax, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay marxuumku”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeybgalay tukashada Salaadda Janaasada Madaxwaynaha Dowlad Goboleeeka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Related posts

“Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa” Faallo uu diyaariyey Fahad Yaasiin

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo Magaalada Kismaayo u dirtay Wafdi xaqiiqo raadin ah

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka qeyb qaatay dagaalkii Ceeldheer & DF oo War cusub soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---