Shiikh Shaakir oo shaaciyey xeelad cusub oo looga hortegi karo fikirka Al Shabaab

Hogaamiyaha kooxdii Ahlu sunna Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhan ah Al shabaab iyo xoreynta degaannada ay ka joogaan dalka, wuxuuna sheegay in fikirka al shabaab looga adkaan karo fikir kale oo laga horgeeyo.

“Fikirka khawaarijta wuxuu u baahan yahay fikir laga horgeeyo, xaqiiq dhabta ah marka la yiraahdana dadka xambaarsan fikirkii laga horgeyn lahaa waa culumada, iyagaa xambaarsan iyagaa suulin kara, culumada laga rabaa in ay u istaagto ummadda in ay ka suuliso wixii ay iftootay in ay baadil yihiin, Dowladda iyo shacabkuna ku gacan siiyaan,’’ ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir oo hadalkiisi sii wata ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Max’uud sida ay uga go’aan tahay dagaalka al Shabaab iyo in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

“Aniga waan arkay madaxweynaha oo telefishinada ka muuqdo oo furimaha taagan oo timihii ku baxeen, laakiin wasiiro iyo xildhibaano ay timihii ku baxeen ma aanan arkin, Dowladda dagaalku ku jirtaa, nimankaana in la iska qabto weeye,’’ ayuu yiri

 

- Advertisement -