Allbanaadir.com
NEWS

Sirta ka dambeyso burburka dayuuradaha Hindiya

Arbacadii lasoo dhaafay 7dii bishii May Pakistan ayaa jab aanan horay loo arag gaarsiisay ciidanka hawada Hindiya, kadib markii ay kasoo rideeyn 30 diyaaradood nooca dagaalka kuwaasoo 25 kamid ah ay ahaayeen Dronaha Harop ee Israail farsameyso, halka 5ta soo hartayna sadax kamid ah ahaayeen diyaaradaha dagaalka Faransiiska ee Rafale, labada Kalana mid aheyd diyaarada SU-30 mida Kalana Mig-29 oo labadaba Ruushka sameeyo.

Hadaba maxaa kalifay in Pakistan dhammaan diyaaradahaasi ku soo rido mudo saacado ah? Sidoo Kalana ciidanka hawada Hindiya ka dhigaan kuwa howlgab ah?

Jawaabta waa Gantaalka loo yaqaano PL-15 ee uu Shiinaha farsameeyo, waana markii ugu horeysay ee ay Pakistan gantaalkaan u adeegsato saaxada dagaalka ee ay Hindiya kula jirto.

Gantaalka PL-15 waa gantaal nooc khaas ah, ayadoona Pakistan ay mudooyinkii u dambeeyay ay sare u qaadeysay awoodeeda Milatari, waxaana midaas u sabab ah tiknoolijiyada casriga ee ay Pakistan ka heshay dhanka China, maadaama labada dal uu ka dhaxeeyo heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah.

Gantaalka PL-15 oo ah nooca Air to Air waxaa hormarisay warshada hubka ee “AVIC” misna laga leeyahay China, sanadkii 2016-dii ayuu galay gacanta ciidanka Shiinaha, Pakistan ayaana noqotay dalkii ugu horeeyay ee Ajnabi ah kaasoo soo iibsada gantaalkaan, intaas kadibna waxay bilaabeen iney ku rakibaan diyaaradahooda ugu casrisan ee dagaalka.

Xawaaraha Gantaalka PL-15 ayaa gaaro afar jibaar xawaaraha codka, masaafada uu gaari karo ayaana u dhaxeyso 200 ilaa iyo 300 oo km, balse nooca ay Pakistan heystaan wuxuu gaaraa masaafo ahaan 145km ilaa 150km, tan ayaana ka dhigan in gantaalkaan uu masaafo ahaan ka dheereeyo inta badan gantaalada noocyada Air to Air-ka ah, ujeedka Shiinaha masaafadaan dheer u gaarsiiyeen gantaalka ayaana aheyd sidii ay ku dhaafsiin lahaayeen gantaalka Mareykanka ee loo yaqaano  “AIM 120D AMRAAM”.

Pakistan ayaana heysto diyaarado dhowr ah kuwaasoo xambaari karo gantaalkaan waxaana kamid ah “JF-17 Thunder Block III” iyo “J-10C”.

Bishii April 25teeda markii ay Pakistan sameyneysay dhoolatuska Milatari ayayna soo bandhigeen diyaarada JF-17 oo uu ku rakiban yahay 4 xabo gantaalka PL-15, midaas ayayna Pakistan ku xaqiijisay in hubkaan casriga ah uu si toos ah uga mid noqday hubkeeda dhanka cirka.

Gantaalka PL-15 ayaana madaxiisa ku sida qiyaastii miisaan dhan 20 ilaa 22 kg oo walxaha qarxa ah, taas ayaana ka dhigeyso inuu u sameysan yahay burburinta diyaaradaha dagaalka, asigoo aan xitaa u baahneyn inuu diyaarada ku dhaco si uu u burburiyo balse waxaa ku filan inuu agteeda ku qarxo, firirka uu sababo qaraxiisa xoogan ayaana diyaarada burburinteeda kaga filan.

Cabdiraxman Xasan Anteeno

Related posts

Shaqaale ku safrayey Baasaboorka Somaliland oo laga celiyey Garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda

Cabdi Cade

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Nidaamka Hirgelinta Waxbarashada dalka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---