Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ku biirtay ururka Afrika ee dhowrista Xogta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), ka dib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow oo ka qaybgalay shirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qaybgalka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta.

Kulanka NAPDA oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika ayaa si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.

Maareeyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeybgalayay shirweynaha, isagoo adkeeyay muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si loogu wajahdo caqabadaha wadajirka ah ee xagga xog-ilaalinta.

Related posts

Daawo:-Beesha Cayr ee Dhuusamareeb oo diiday in hubkooda ku wareejiyaan Qoor Qoor & Faah Faahin ku saabsan !!

admin

Ciidamada Difaaca Puntland oo diyaar garow dagaal galay iyo taliyahooda oo…

Cabdi Cade

Deni oo Wareegto ku Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka..(Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---