Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaanka Raqayle ee Duleedka Jowhar (Sawirro)

Khasaaro dhimasho ayaa ka dhashay fatahaad wabiga Shabelle ka sameeyay  deegaanka Raqayle oo dhinaca Koofur Bari ka xiga magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Fatahaada wabiga Shabelle ka sameeyay deegaanka Raqayle oo qiyaastii 7-km u jira magaalada Jowgar ayaa sababay geerida wiil 9-sanno jir ah, waxaa sidoo kale fatahaada ku bur buray guryo badan.

Guddoomiyaha tuulada Raqayle Ibraahin Xaaji Mustaf ayaa sheegay in fatahaada wabiga saameyn xooggan ku yeeshay deegaanka ,waxa uuna tilmaamay in ay ku baaba’een dhul beereed baaxad weyn oo ay ka baxayeen dalagyo kala duwan.

Fatahaada wabiga Shabelle ayaa sababay in dadkii deganaa deegaanka Raqayle qaar badan oo kamid ah isaga barakacaan, waxaana laga cabsi qabaa in fatahaada geesato khasaraooyin hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo safaarado cusub ka furaneysa dalalka caalamka qaarkood

Caydiid Ali

Qarax saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Akhriso) Cabdi Xaashi oo qoraal xasaasi ah u diray Madaxweyne Qoor-qoor

Caydiid Ali
Taboola Ads ---