Iran daldashay rag lagu eedeeyay in ay qorsheeyeen qarxinta Warshad hubka sameysa

Dowladda Kacaan Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay afar nin oo Maxbuus ahaa, kuwaa oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen qorshe weerar oo lagu qarxin lahaa Wershad soo saarta hubka.

Xukunka daldalaada ah ee lagu fuliyay raggan u xirnaa dowladda Iran ayaa ka dhacay gudaha xabsiga lagu magacaabo Ghezel Hesar ee magaalladda Karaj ee galbeedka caasimada dalkaasi ee Tehran.

Sida laga soo xigtay hay’adda garsoorka Iran waxaa afarta qof ee la daldalay lagu kala magacaabi jirey Pejman Fatehi, Mohsen Mazloum, Mohammad (Hazhir) Faramarzi iyo Wafa Azarbar.

Kahor inta aan xukunkaasi daldalaada ah lagu fulin waxay maxaabiista kula kulmeen qoysaska ay ka soo jeedaan xabsiga dhexe ee Evin Prison oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Ragga  la daldalay waxay si sharci-daro ah uga soo gudbeen xuduudka Iraq iyo Iran wadaagaan bartamihii sannadkii 2022-kii, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Sirdoonka Iran.

Websaytka Hay’adda Garsoorka Iran ayaa qoray in afarta eedeysane ee la daldalay ay la shaqaynayeen sirdoonka Israel ee Mossad, isla markaana ay maleegeen qorshe ay ku qarxin lahaayeen wershad hubka soo saarta oo ku taalla magaalladda Najafabad ee gobalka Isadahan ee dalkaasi

Dhanka kale, Wakaallada Wararka ee Mizan oo taabacsan hay’adda Garsoorka dalka Iran waxay qortay in ragga la daldalay ay dhowr jeer Tababar kala duwan ku soo qaateen dalal Afrikaan ah, iyadoo Agaasimaha MOSSAD, David Barnea iyo saraakiil kale goobjoog ka ahaayeen Xerooyinkii lagu tababaray raggaasi.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo sanadkii hore ee 2023-kii waxaa dalka Iran lagu dilay ugu yaraan 834 qof, iyadoo muddadii u dhexeysay bishii December 22-da ilaa bishan January 21-dii Xukun dil ah lagu fuliyey 90 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -