Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin dil & dhaawac u geystay labo arday (Sawirro)

Ciidanka Booliiska Muqdisho ayaa sheegay iney qabteen nin ku eedaysan dil iyo dhaawac loo gaystay 2 arday oo ka dhacay degmada Waaberi.

“Eedeysanaha ayaa hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska.

Laguma sheegin qoraalka magaca wiilkan iyo faahfaahin la xiriirta sida uu u dhacay falka dilka iyo dhaawaca ah ee lagu eedeyey

“Waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Al Shabaab oo gubtay Guryo iyo Ceel ku yaalay deegaan katirsan Gobolka Hiiraan

Cabdi Cade

Somaliland: “Al-Shabaabkii galay gobolka Sool waxay ka yimaadeen Saddex meelood”

Caydiid Ali

Adolf Mwesige oo wax laga weydiinayo shaki ka taagan khasaaraha Weerarkii Buulo mareer

Caydiid Ali
Taboola Ads ---