Go’aanno dhowr ah oo kasoo baxay shir amniga Amniga Somaliland looga hadlayay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Somaliland ka qabsoomay taliska ciidanka, kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyayaasha guud ee ciidamada kala duwan.

Kulankan waxaa ka soo baxay Qodobadan:

1- in la adkeeyo amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba amniga Guud ee Dalka.

2- In Maalmaha Ciida iyo guud ahaanba bisha barakaysan ee Ramadaan inta lagu guda jiro in la la xoojiyo amniga, ciidamo dheeraad ahna la geeyo Suuqyada Caasimadda iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn.

3- Waxaa la farayaa bulshada ku Ganacsata suuqyada waaweyn ee Caasimada Dalka in ay ka fogaadaan wadooyinka, si aanay u xanibin isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha maalmaha Ciidda.

4- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel waxaa la farayaa in ay feejignaadaan ciidamada nabadgelyadana ay gacan ku siiyaan ilaalinta Nabadgalyada.

5- Waxaa lala socodsiinayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka feejignaadaan dhibaatada uu dabku leeyahay ama laydhku, kana taxadaraan, waxaana la farayaa shirkadaha bixiya adeega Laydhka in ay nidaamiyaan xadhka laydhka, ayna mariyaan meelaha hoose sida dhulka hoostiisa.

6- Waxaa la farayaa Ciidamada nabadgelyada in ay xoojiyaan amniga inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan, maalmaha Ciidda, una diyaar garoobaan adkaynta amniga maalinta Qaranka ee xuska 18 ka May ee loo diyaar garoobayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -