Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo War kasoo saartay nibiri weyn oo kusoo caariyay xeebta Bareeda

Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa xaqiijisay in nibiri weyn uu ka soo caaryey xeebta Wareegsan oo ka tirsan degmada Bareeda ee gobolka Raas Casayr (Bari).

War-saxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayay ku xaqiijisay warkan, waxaana ay sheegtay in ay bilaabi doonto baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadaas, si loo helo xog sugan gacan ka geysan karta fahamka isbeddellada degaanka iyo saameynta ay ku leeyihiin noolaha dabiiciga ah.

“Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland waxay xaqiijineysaa in nibiri weyn uu ku soo caaryey xeebta Wareegsame ee degmada Bareeda, Iyadoo la tixraacayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta noolaha badda iyo deegaanka guud ahaan, Wasaaraddu waxay bilaabeysaa baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababaha keenay in nibirigan uu ku soo caaryo xeebta.”

“Baaritaankan ayaa diiradda saari doona in la xaqiijiyo haddii ay jiraan arrimo la xiriira isbeddelka cimilada, xaaladda biyaha badda, ama xanuunada ku dhacaya xayawaanada bada. Kooxo khubaro ah oo ka tirsan Wasaaradda ayaa sameynaya qiimeyn iyo xog-ururin horudhac ah. Ujeeddadu waa in si cilmi ah loo baaro dhacdadan si loo helo xog sugan oo gacan ka geysan karta fahamka isbeddellada deegaanka iyo saameynta ay ku leeyihiin noolaha dabiiciga ah” ayay wasaaraddu sheegtay.

Related posts

Guddoonka Maxkamada sare ee dalka oo go’aano culus soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Farmaajo oo diidan dibed-baxa Midowga Musharixiinta & Rooble oo go,aan geesinimo leh qaatay & Cumar Finish oo …

admin

Dagaal 30 askari looga dilay ciidanka Syria oo ka dhacay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---