(Sawirro) Kooxda Xamaas oo caawa sii deysay Maxaabiis kale oo u dhashay dalka..

Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii daysay laba qof oo kale oo lagu haystay magaalada Gaza sababo la xiriira bani’aadanimo, maadaama ay yihiin dad da’ ah.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in labo maxaabiis ah oo Israa’iili ah oo labaduba dumar ah la sii daayay.

“Waxba kuma aanan bedelinin sii dayntooda. Waxaan u sii deynay arrimo bini’aadantinimo,” ayuu raaciyay afhayeenka Xamaas.

Yocheved Lifshitz oo 85 jir ah, iyo Nurit Cooper, 79 waa labada haween ee la sii daayay caawa ka dib 17 maalmood oo ay haysteen kooxda Xamaas

Sii daynta ayaa dhacday inkastoo Israa’iil ay jabisay qodobbadii lagu heshiiyey ee damaanad qaadi lahaa badbaadada maxaabiista.

“Waxaan weydiisannay inaan joojino duqeynta Gaza ugu yaraan waqtiga si aan u sii deyno, u dirno Laanqeyrta Cas ka dibna u wareejinno maamulka. Israa’iiliyiintu taas may raacin. Waxay muujinaysaa inaan la aamini karin dhinaca Israa’iil,” ayuu yiri.

Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa sarkaal aan magaciisa la shaacin, ayaa xaqiijisay sii daynta, balse ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Israa’iil.

Channel-ka 12-aad ee Israa’iil ayaa sheegay in qoysaska laba Israa’iili ah oo ay haysteen Xamaas la ogeysiiyay siideyntooda.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fududeysay sii deynta iyo daabulida labo maxaabiis oo Israa’iili ah oo laga soo daabulay Gaza.

ICRC waxay ku dartay inay diyaar u tahay inay fududayso siideyn kasta oo la xiriirta maxaabiista kale weli la heysto.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Xamaas ay sii deysay maxaabiis ugu horeysay ee ay ka soo qafaasheen gudaha Israel weerarkii 7dii bishan, kuwaasoo ahaa gabar iyo hooyadeed oo u dhashay Mareykanka.

Dad ka badan labo boqol maxbuus ayaa weli gacantooda ku jira Xamaas kuwaasoo iskugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Israel iyo ajaaniib u kala dhashay dalal kala duwan.

DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -