Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil saaka ka dhacay degmada Xamar-Weyne & faahfaahino ka soo baxaya

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka milateriga dowlada Soomaaliya ayaa saaka lagu dilay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen askarigan oo ku sugnaa agagaarka Suuqa Bacadlaha oo ku dhow Ceelgaabta.

Ragga wax dilay ayaa goobta ka baxsaday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo xiligi la dilayey halkaas ku dhowaa.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa sida caadada ah wax yar ka dib gaaray goobtaas, iyagoo qaaday meydka askariga la dilay, waxayna halkaas ka sameeyeen howlgalo, lamana oga iney dad u soo xireen dilkan.

Dilalka lala beegsado askarta iyo dadka kale ee dowlada u shaqeeya ayaa sanadahan ka mid ahaa nolol maalmeedka dadka Muqdisho, waxaana dilalkan masuuliyadooda sheegata inta badan kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Xildhibaanada oo lagu amray in Telfoonada damiyaan

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Jigjiga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cilmi-baaris lagu sameeyay dadka sida joogtada ah u galo sawirrada oo lagu ogaaday ay qabaan xanuun dhanka maskaxda ah!!

admin
Taboola Ads ---