Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Xildhibaanada oo lagu amray in Telfoonada damiyaan

Waxaa goordhaw xarunta golaha shacabka ka furmay shir Su’aalo Xildhibaanada ku weediinayaan Wasiirada Amniga ,gaashaandhiga iyo sidoo kale taliyaasha kala duwan ee ciidamada .

Kulanka golaha shacabka ayaa ku furmay 150-Xildhibaan, waxaana Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal u sheegay in ajandaha kulanka uu yahay su’aal weydiinta masuuliyiinta amniga u qaabilsan Dowlada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xildhibaan kasta oo su’aal weediinaya masuuliyiinta uu kusoo koobo mudo hal daqiiqo ah, waxa uu sidoo kale masuuliyiinta iyo taliyaasha iyana fursad u heestaan in ay ku jawaabaan 3 daqiiqo kaliya.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka waxaa banaanka ka jooga Warbaahinta, kulanka ayaana ah mid albaabada u xiran yihiin oo Warbaahinta aysan heli karin su’aalaha la weediinayo masuuliyiinta iyo jawaabaha ay bixinayaan.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaanada ku amray in ay damiyaan telfoonada ayna mamnuuc tahay in Xildhibaanada sawirtaan ama duubaan waxa ka socda kulanka Golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka dooday xaalada amaan ee dalka, waxaana maanta Xildhibaanada su’aalo dhinaca amaanka la xariira weediinaya Wasiirada dhinaca amaanka iyo sidoo kale taliyaasha ciidanka oo Baarlamaanka hor jooga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -