Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Jigjiga (Daawo Sawirro)

Raisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy ahmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka dagay garoonka Dayuurahada magaalada Jigjiga ee caasimada maamulka Soomaalida.

Abiy Ahmed ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay ka qayb galka xiritaankii shirwaynaha 10aad ee xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida (SDP).

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha ee magaalada jigjiga Masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga iyo xukuumada DDS oo ay ka mid yihiin Madaxwaynaha degaanka Mustafe Muxumed Cumar, Gudoomiyaha xisbiga SDP Ahmed Shide Maxamed iyo Golaha Wasiirada deegaanka.

Raisul Wasaaraha Itoobiya ayaa khudbad dheer ka jeediyay xiritaanka Shirweynaha xisbiga Soomaalida Itoobiya waxaana ugu weyn waxyaabaha uu xusay in shacabka Soomaalida ay yihiin halgamayaal naftooda u soo huray dalkooda, isagoo hambalyo u diray shirweynaha xisbiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay Ankara (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo billaabayo barnaamij fududeynaya keenista qaxootiga cusub iyo Shuruudo…

Cabdi Cade

Siciid Deni oo ka hadlay Qabuuraha meydadka laga saarayo baaqna u diray Madaxweynaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---