Cilmi-baaris lagu sameeyay dadka sida joogtada ah u galo sawirrada oo lagu ogaaday ay qabaan xanuun dhanka maskaxda ah!!

Wargeyska DailyMail ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warbixin uu ka qoray cilmi-baaris ay Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka ka sameysay dadka sida joogtada ah u galo sawirrada ee kadibna soo dhigo baraha bulshada.

Koox cilmi-baareyaal ah oo ay hogaaminaysay Prof. Jesse Fox oo cilmi-nafsiga ka dhigto Jaamacadda Ohio ayaa diraasaddaan oo ay ku sameeyeen 800 oo qof waxay ku ogaadeen in dadka sida joogtada ah u galo sawirrada ay qabaan xanuun dhanka maskaxda ah(Mental disorder), ayna qabaan Egomania oo ah cudur nafsi ah oo uu qofku naftiisa ugu mashquulayo si xad-dhaaf ah, waxayna sheegeen in ay dadkaas badankood ku fashilmeen xiriirka kala dhexeeya bulshada ay la noolyihiin ayna waqtigooda ugu badan la qaataan ay iska barteen baraha bulshada, ayna yihiin dad maahsan markii ay dad la sheekeysanayaan, ama ay joogaan xafladaha iyo munaasabadaha maadaama ay ka fikirayaan sidii, halkii iyo qofkii ay isku sawiri lahaayeen.
Dadkaan oo uu cilmu-nafsigu u yaqaanno”Selfitis” waxay sidoo kale qabaan Psychosis oo ah cudur uu qofku aaminayo in uu dadka ka caqli badanyahay, uuna uga fiicanyahay sida dareenka dadka loosoo jiito, maadaama dad badan oo aanan si fiican u aqoon ay sawiradiisa kula fal-galaan Like iyo Comments badan.

Sidoo kale, Mareegta diraasaadka ee ResearchGate ayaa daabacay diraasad ay iska kaashadeen Jaamacadda Nottingham-Trent ee dalka Ingiriiska iyo Iskuulka Maamulka ee Thiagarajar ee dalka Hindiya, oo ay ku sameeyeen 400 oo qof oo Hindi ah, waxayna diraasaddaani ay dadka ku qafiifay sawirrada u kala qeybisay, qeyb maalinkii gasho ugu yaraan saddex sawir balse aanan soo dhigin baraha bulshada, kuwo galo ilaa saddex sawir soona dhigto, iyo kuwo sawirro galo saacad kaste, maalinkiina baraha bulshada soo dhigo ilaa Lix sawir; waxayna sheegeen in dadka ku qafiifay sawirrada aysan ku kalsooneyn naftooda oo ay maalinkiiba iska qaadaan sawirro badan si ay ugu dhex xushaan sawirro ay ku qurxanyihiin oo ay saaxiibadood baraha bulshada kula wadaagaan, waxay sidoo kale sheegeen in dadka qaar ay halis u galaan in ay sawirro galaan, waxaana dalka India sanadkii tegay ay sawir-gelid ugu dhinteen 127 qof, oo 111 kamid ah ay kasoo dhaceen meelo ay u fuuleen in ay sawir ku galaan.

Waxaa qoray: Hussain Sabrie
Email: Husseinsabrie@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -