Allbanaadir.com
NEWS

Putin oo bixiyey amar argagax ku abuuray Ukraine

Madaxweynaha Ruushka , Vladimir Putin ayaa lagu warramayaa inuu ku amray wasiirka difaaca Ruushka inuu diyaariyo weerar loo adeegsanayo gantaalka ballistic-ga ee riddada dhexe ee Oreshnik oo lagu qaado Kyiv iyo bartilmaamaadyada muhiimka ah ee gudaha Ukraine

Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu Putin gaaray, kaddib markii Ukraine ay diiday heshiis xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu aadinayo 9 bishan May, markaasoo Ruushka uu u dabaal-degayo guusha uu ka gaaraya dagaalkii Nazi-gii Jarmalka , 1945, sida uu sheegay wargeyska Ruushka ka soo baxa ee Mash oo xiganaya saraakiisha milatariga Ruushka.

Warbixintu, waxay sheegtay Ukraine oo xalay weerartay Moscow, inay sidoo kale isku diyaarinayso weerarro ay ka geysato gudaha Ruushka inta ay socdaan dabaal-degyada maalinta guusha ee 9 bishan May, ka billaabanaya Ruushka.

Gantaalka ballistic-ga ee riddada dhexe ee Oreshnik , waa hubkii u dambeeyay ee Ruushka uu soo saaro, markii u horreysay bishii November 2024 ayuu Ruushka u adeegsaday inuu ku weerarro Ukraine, markaasoo ay qeylo dhan ka soo baxday Ukraine oo burbur kala kulantay gantaalkan oo sidoo kale xambaari kara madaxyo nukliyeer ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dooxa Kula Kulmay Dhiggiisa Qatar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax-kabadalka Dastuurka xilli Dagaal uu socdo (Sawirro)

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo quus ka taagan dhexdhexaadinta madaxda Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---