Ciidan Boolis ah oo hoygeeda kala baxay Maryan Sadiiq Al-Mahdi

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters Booliska Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabar uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Sudan, Sadiiq Al-Mahdi.

Gawaarida booliska ayaa gaaray guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al-Mahdi halkaasoo ay ka kaxeysteen.

Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Sadiiq Al Mahdi oo horraan ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibad-baxyada lagu codsanayo inuu iscasilo Madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Xariga Maryan ayaa imaanaya xilli mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin ka hor shaaca ka qaaday in dadka loo xiray bannaabaxyada xabsiyada laga sii daynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -