Waxaa lagu soo warramayaa inay korortay tirada dadka ku dhintay weerarkii gantaallada oo ay Hindiya ku garaacday Pakistan.
Tirada dhimashada dada rayidka aj ayaa haatan gaartay 36 qof, sida uu u xaqiijiyay sarkaal sare oo milatari.
Ha yeeshee afhayeenka milatariga Pakistan, Lt Gen Ahmed Sharif Chaudry, waxaa uu sheegay in 41 qof la dilay halka ku dhowaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.
Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas ay Hindiya ku beegsatay dalka Pakistan iyo Kashmir, qeybta ay Pakistan maamusho.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa ka falceliyay weerarada ay Hindiya ku qaadday gudaha Pakistan, isagoo ku qoray bartiisa bulshada ee (X) in Pakistan ay xaq buuxa u leedahay inay ka jawaabto.
Shahbaz Sharif wuxuu yiri: “Cadowgu wuxuu si fulaynimo ah u weeraray shan goobood oo ku yaalla Pakistan.”Wuxuu weerarka Hindiya ku tilmaamay “fal dagaal.”
Sharif wuxuu sidoo kale yiri: “Pakistan waxay xaq u leedahay inay si adag uga jawaabto falka dagaal ee Hindiya, waxaana la bixinayaa jawaab ku habboon.”
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan wuxuu sidoo kale sheegay: “Pakistan iyo ciidamadeedu aad bay u garanayaan sida loola tacaalo cadowga. Marnaba cadowga uma ogolaan doonno inuu ku guuleysto ujeeddooyinkiisa xun.”
HOOS KA DAAWO SAWIRRO