Allbanaadir.com
NEWS

War-Murtiyeed: Shirkii Golaha wada tashiga Qaran

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo xiray shirkii golaha wada tashiga Qaranka oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay kaasoo ay ka soo qeyb galeen madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada qaarkood, waxaana laga soo saaray war murtyeed

Nuxurka war-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee hadda la shaaciyay ayaa wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay xubin ka mid ah Dowlad-Goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay soo dhameystirto geedi-socodka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, waxaa la xusay in xal waafaqsan dastuurka laga gaaro xaaladda Jubbaland, taasoo muujinaysa in khilaafaadka jira la doonayo in si sharci ah loo wajaho, tiiyo sharcigaas aanu caddeyn, una muuqato in dowladdu damacsan tahay jid ka duwan dib u doorashadii Axmed Madoobe oo ay horay u qaadacdau

Labadan arrimood ayaa ah kuwa ugu cusub, halka inta kale ee war-murtiyeedka ah ay yihiin qodobo hore looga hadli jiray shirarkii NCC.

HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA

Related posts

Xassan Shiikh oo arrin xasaasi ah ka dalbaday Ergayga Maraykanka u fadhiya UN-ka (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo Ballanqaad kahor sameeyay guddiga fulinta ee Hey’adda UNHCR (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu taliye Diyano kala shiray Saraakisha Booliska DF?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---