Saldhig ay leeyihiin Xoogaga Al-Shabaab oo xalay cirka laga duqeeyey

Dayuurado dagaal ayaa xalay weeraray saldhig ay xoogaga Al-shabaab ku leeyihiin gobolka Hiiraan, iyadoo duqeyntaas ay warar kala duwan ka soo baxayaan.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday saldhig xoogaga Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka  Luuq-jeelow, iyadoo dayuuradaha wax duqeeyey la aaminsan yahay iney leeyihiin ciidamada Maraykanka.

Goob joogayaal ku sugan degaanka  Luuq-jeelow ayaa sheegay in duqeynta ay aheyd mid aad u xoog badan, ayna geysatay khasaare badan balse aysan jirin tirakoob sax ah oo laga hayo.

“Waxaan maqalnay jugta dhowr qarax oo ka dhashay gantaalada lagu duqeeyey saldhiga Al-Shabaab, waxaan maqlay in khasaare xoog leh ay geysatay duqeyntan balse faahfaahin kale ma hayo” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degaanka.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegay iney xireen wadooyinka gala saldhiga la duqeeyey, ayna halkaas ka celinayaan dadka halkaas u dhowaada, waxaana xalay illaa saaka kacsan xaalada degaanka.

Maraykanka ayaa dhowaan sheegay uu xoojinayo weerarada ay la beegsadaan saldhigyada iyo goobaha kale ee ay joogaan Al-Shabaab, mana jiro war illaa hadda ay ka soo saareen duqeyntan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -