Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa loogaa hadlay shirkii Golaha Wasiirada Somaliland?

Fadhigii 19-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Waxa xusid mudan in Madaxweynaha Somaliland uu Madaxweyne ku-xigeenka si kal iyo laab-furan ugu soo dhaweeyey Madaxtooyada. Intaa kadibna Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waxay si wadajir ah u galeen Qolka Shirarka Golaha Wasiirrada, halkaasi oo ay Wasiirradu Madaxweyne ku-xigeenka ku qaabileen sacab-istaag ah

Qodobada lagaga wada hadlay Fadhigii 19-aad ee Shirka Golaha Wasiirada ayaa ahaa arrimo badan oo mudnaan u leh Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa:

Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi (oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Caasimadda Hargeysa) ayaa Golaha Wasiirrada si qoto dheer ugaga xog warramay safarkiisii shaqo ee isaga iyo weftigiisu ay in ka badan 70 maalmood ku joogeen Gobollada Bariga dalka. Madaxweyne Ku-xigeenka waxa uu si faah-faahsan uga war bixiyey hannaanka iyo farsamada ay isaga iyo weftigiisu u mareen arrimaha la xidhiidha Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xidhidda nabadda lagu soo af-jaray colaadii muddada dheer ka oognayd Degmada Ceel-Afweyn.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu sheegay in isaga iyo weftigiisa uu Allah (SXWT) ku gargaaray in uu gaadho guulahaa dhaxal-galka ah, iyada oo aanay jirin cid inaga caawisay ama inaga gacan siisay hawlahaa baaxadda leh.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Xubnaha weftigiisa (Wasiirrada iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka) oo ka mid ahaa hawl wadeennada Xukuumadda ee muddada dheer Madaxweyne ku-xigeenka ka gacan siinayey arrimaha nabadaynta iyo Ciidamada Madaniga ah.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka waxa uu mahad naq maamuus iyo milgaba leh u diray Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Haweenka iyo Dhallinyarada ka soo jeeda Degmada Ceel-Afweyn iyo Degaanada laga diiwaangeliyey Ciidamada Madaniga, taasoo la’aantood aanay suurto gasheen hawlahaa waaweyn ee Qaran ahaan innoo qabsoomay.

Golaha Wasiirrada waxa ay maanta dood dheer ka yeesheen Nidaamka Maamul-daadejinta Dawliga ah (decentralization) ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan: a) Maamul-daadejin Siyaasadeed; b) Maamul-daadejin xagga Maamulka ah; iyo c) Maamul-daadejin Miisaaniyadeed.

Maamul-daadejintu waa nidaam fududaynaya in ay isu soo dhawaadaan maamulka Dawliga ah (mid dhexe iyo hoose) iyo muwaadiniintu. Dhinaca kale, waxa ay suurto galinaysaa in si wacan loo qorsheeyo loona tayeeyo bixinta adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha iyo horumarka bulshada.

Madaxtooyada oo ka mid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18-ka May, ayaa Golaha Wasiirrada ku baraarujiyey in Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladdu ay ka hawl galaan sidii ay Xarumahooda ugu qurxin lahaayeen Calanka iyo Calaamadaha Qaranka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu waxa uu Golaha u sheegay in loo baahan yahay in Wasiirradu ay bulshada dib ugu noqdaan oo ay kala qayb galaan Xafladaha iyo Isu-soo-baxyada ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaasi oo loogu diyaar garoobayo Xuska 18 May.

Related posts

Dowladaha Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kale oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo miino kula kacday degaanka Bacaadweyn

Caydiid Ali

Diyaarado Iran sameysay oo duqeymo culus ka geestay Dal Yurub kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---