(Sawirro) Weriye Cawil Daahir & shaqaalihii la geeriyooday ee Universal-TV oo Muqdisho lagu aasay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta lagu aasay Allaha u naxariiste weriye Cawil Daahir Salaad iyo saddex ka mida shaqaalaha Telefishanka Universal ee magaalada Muqdisho oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Tiyaatarka Qaranka.

Boqolaal qof ayaa ka qeyb galay aaska marxuum Cawil waxaana ka mid ahaa xildhibaano, siyaasiyiin hore, saxafiyiin iyo dadweyne fara badan.

Weriye Cawil Daahir ayaa ahaa ruug caddaa saxaafadeed oo muddo dheer ku soo jiray Warbaahinta Soomaalida, waxaana geeridiisa oo aheyd mid xanuun badan oo lama filaan si weyn uga naxay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -