Waxaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo dhowr ah ay kamid yihiin amaanka gaar ahaan la dagaalanka argagaxisada, waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo la xariira dardargelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana furay shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ee dib uga dhacay waqtigii horey loogu ballamay, waxaana shirkan markii ugu horreysay ka qeyb galaya maamulka Khaatumo oo dowladda Federaalka u aqoonsatay maamul rasmi ah.
Shirkan maanta ka furmay Villa Soomaaliya, waxaa ka maqan oon ka qeyb galeyn madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo khilaaf xooggan oo xal loo waayay uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com