Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, ayaa maanta magaalada Jowhar ku yeeshay kalfadhigiisa 17aad, kulankiisa 2aad, kaas oo looga dooday xaaladda guud ee amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah oo khuseeya maamulka Hirshabelle.
Kulanka uu shir guddoominayey guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan Xaaji Maxamed, ayaa looga dooday mooshin xasaanad ka xayuubin xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Hirshabelle, kuwaa oo si weyn mucaarad ugu ahaa Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Guddoomiyae Luqmaan ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in ay isdiiwaangeliyaan haddii ay doonayaan in ay ka hadlaan mooshinka ka dhanka ah saddex xildhibaan oo horey looga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada golaha, kadib markii lagu eedeeyay ku xadgudubka dastuurka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.
Kadib dood ay ka qeyb galeen 31 xildhibaan ayaa waxay soo jeediyeen in xasaanadda laga qaado saddexda xildhibaan:
2. Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle
3. Xildhibaan Axmed Cali Abuukar
Kadib Markii cod la geliyay mooshinka natiijadu waxay noqotay:
71 Xildhibaan ayaa oggolaaday
3 Xildhibaan ayaa diiday
1 Xildhibaan ayaa ka aamusay
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan ayaa ku dhawaaqay in saddexda xildhibaan ay si rasmi ah u lumiyeen xubinnimada Golaha Wakiillada Dowladda Hirshabelle, sida ku cad Xeer-hoosaadka Golaha qodobka 26 faqrada(d) iyo Qodobka 65aad faqrada 2aad xarfihiisa (d) iyo (e) iyo qodobada dastuurka ee kala ah Qodobka 37aad faqradiisa 5aad, qodobka 41aad faqradiisa (C) oo lala akhriyay qodobka 13aad faqradiisa 1aad.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa xiray Kalfadhiga 17aad, kulankiisa 2aad asigoona faray odayasha dhaqan iyo bulshadii ay matalayeen Seddaxda Xildhibaan in ay soo buuxiyaan ayagoo raacayo habka Dastuuriga ah ee buuxinta Kuraasta ka Banaanto ee Golaha.





Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com