Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo la wareegtay milkiyadda guri kuyaalla Muqdisho kaddib markii…

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa maanta si buuxda ula wareegay milkiyadda guri kuyaalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, kaddib markii la sheegay in gurigaasi loo adeegsanayay falal liddi ku ah amniga guud ee caasimadda.

Gurigan maanta la wareegeen maamulka gobolka Banaadir, ayaa milkiyadiisa waxaa iska laheyd haweeney lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayare, waxa uuna maamulka gobolka sheegay in la wareegida gurigan loo maray habraac sax ah.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo aqriyay qoraal kasoo baxay maamulka sare ee gobolka , ayaa sheegay in gurigan ka socotay waxyaabo liddi ku ah amniga caasimadda, waxaana lala wadaagay oo fasaxay la wareegidda gurigan Wasiirka Amniga, Duqa Muqdisho iyo taliska booliiska gobolka.

Gurigan maamulka gobolka Banaadir la wareegeen oo cabirkiisu yahay 20 lagu dhuftay 15, ayaa maanta kaddib noqonaya dhul dan guud ah oo dowladda si buuxda ula wareegay, kaddib markii uu saxiixay tallaabadaasi guddoomiyaha gobolka Banaadir Amiir.

Dowladda Soomaaliya, ayaa horey u sheegtay in ay la wareegi doonto guryaha kuyaalla caasimadda haddii loo adeegsado arrimo liddi ku ah amniga, waxa ayna tallaabadan bilow u tahay qorshayaal dowladda kula wareegi doonto guryo kale oo kuyaalla Muqdisho .

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen iyo Wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Xoogaga TPLF oo tacadiyo xanuun badan u geestay Haween kunool Gobolka Amxaarada

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaal caawa soo gaaray oo maanta ka dhacay Jeexjeexa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---