Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo duqeysay garoonka dayuuradaha Sanca

Warbaahinta taageerta kooxda Ansaarullah (Xuutiyiinta) ee Yemen ayaa sheegtay in Israa’iili ay duqaysay galabnimadii maanta oo Talaado ah garoonka diyaaradaha caasimadda Sanca.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in milatariga Israa’iil uu duqeeyay dhismaha rakaabka, diyaarado rayid ah, iyo xarumo adeegyo ku yaalla garoonka Sanca.

Kanaalka 12-aad ee Israa’iil ayaa tilmaamay in weerarku uu bartilmaameeday 10 goobood oo ku yaalla Yemen, oo ay ku jiraan garoonka caalamiga ah ee Sanca, xarumo shidaal iyo bakhaarro keydka naftada ah.

Maanta goor hore ayaa ciidamada Israa’iil amar degdeg ah ku bixiyay in laga guuro aagga garoonka Sanca oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, si weerar loogu qaado halkaas, taasoo qeyb ka ah duqeymaha joogtada ah ee Yemen lagu hayo.

Weerarkan cusub ee lagu qaaday garoonka caasimadda wuxuu yimid maalin kadib markii Israa’iil, iyadoo kaashanaysa Mareykanka, ay duqeymo ka fulisay Yemen, kuwaas oo ay ku sheegtay inay yihiin jawaab celin ka dhan ah weerarkii gantaalka ahaa ee lagu beegsaday garoonka Ben Gurion Axaddii

Related posts

(Sawirro) James Swan & wafdi la socda oo Baydhabo kula kulmay Laftagareen

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo u hanjabtay siyaasiyiin dalal shisheeye lacago ka qaata

Cabdi Cade

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Ciidamo maanta dowlada Federaalka geysay Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---