Weerar Khasaare geystay oo caawa ka dhacay Boosaaso & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa la soo sheegayaa in caawa laga maqlay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo wararku sheegayaan inuu geystay khasaare nafeed.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed lagu tuuray xarunta saldhiga booliska Biyo-kulule oo ku yaalla bartamaha magaalada.

Daryanka qaraxan oo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Boosaaso ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidankii ku sugnaa saldhigaas.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkan, mana ahan markii ugu horeysay ee weerar noocan oo kale oo ka dhacio saldhigan iyo qeybaha kale ee Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -