Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Karaash oo tababar u soo xiray boqolaal ka tirsan ciidamada Puntland (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Karaash oo la dardaarmay ciidanka maanta tababarku u soo xirmay ayaa sheegay in looga fadhiyo iney xoojiyaan sugida amaanka shacabka degaanada Puntland.

“Sida Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba farayo Dowladda waajibaadka laga rabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go’an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo Sadexaadba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad waajibkooda gaadha”. ayuu Karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku amray ciidamada tababarka loo soo xiray inay u diyaar garoobaan difaaca dadkooda iyo dalkooda.

“Puntland waa astaanta midnimada Soomaaliyeed, Puntland waa astaanta kala dambaynta iyo xasiloonida, maamul wanaagga iyo dowladnimada, Puntland waxay ku naaloonaysaa in dadkeeda nabad ku noolaadaan, deegaanada kale ee Soomaaliyana ay gacan ka geysato”. ayuu intaas ku daray Karaash.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Kenyan ah oo Goob tirinta codadka ka socotay ku dilay Kaaliyaha Musharaxii la tartamayay

Cabdi Cade

Maamulka Golaha Shacabka BFS oo sheegay inuusan jirin ajende muddo kordhin ah

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray William Rutu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---