Koox sameynaysey dokumentiyada been abuurka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay koox ku howlaneyd sameynta  documentiyo been abuur ah iyo qalabkii loo adeegsanayey.

Taliye ku-xigeenka xarunta dambi baarista Booliska Bishaar Abshir Geedo ayaa sheegay in ragga la soo bandhigay laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalle shideeye loo yaqaano ee lagu sameeyo dokumentiska been abuurka ah.

Booliska oo kaashanaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigayn qof sameystay Documentiyo been abuur ah oo doonayay inuu kaga dhoofo garoonka Adan Cadde ee Muqdisho dabagal dheer ka dibna waxaan soo qabanay shabakadii ku howlaneyd” Bishaar Abshir Geedo.

Documentiyada been abuurka ah ee kooxdan ay sameyn jireen ayuu sheegay iney isugu jiraan Warqadaha ka soo baxa Xafiisyada dowlada iyo shahaadooyinka iskuulada iyo Jamaacadaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -