Isbitaalka Al Ixsaan oo sameenaya baaritaano caafimaad iyo Daaweyn lacag la’aan ah

Isbitaalka Takhasusiga ah ee Al-Ixsaan “Dr.Shiine” wuxuu ku wargalinayaa dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho iyo nawaaxigeeda in isbitaalka uu bilaabay baaritaan lacag la’aan ah, daaweyn iyo daryeel gaar ah oo loo sameynayo bukaanada qaba ama isaga shakisan cudurada sokorta iyo dhiikarka  laga bilaabo 24 February 2020 ilaa iyo 24 March 2020.

Xanuunka sokortu wuxuu aad u wax yeelleeyaa Indhaha, kelyaha iyo xididada dhiiga qaada, waxaana jira dad badan oo sokor qaba laakiin aan is ogeyn ama qaar kale oo is og laakiin aan helin daryeel caafimaad oo ku filan; sidsaasi darteed isbitaalku dadkaasi u fidin doonaa baaritaano lacag la’aan ah, la talin iyo daaweyn taasoo ay ka heli karaan isbitaalka maalin walba laga bilaabo 01:00 duhurnimo ilaa iyo 05:00 Galabnimo muddo bil ah.

Sidoo kale isbitaalka waxaa ka howlagaya oo diyaar idinkugu ah dhakhaatiir ay ka mid yihiin

1-    Dr.Maxamuud Axmed Maxamed “Dr.Shiine” oo ah khabiir ku takhasusay daweynta iyo qalimada indhaha.

2-    Dr. Maxamed Cali oo ah khabiir ku takhasusay daweynta iyo qaliinka cudurada ku dhaca shabakada araga, .

3-    Dr.Axmed Xasan Tooxow “Dr.Tooxow” oo ah khabiir ku takhasusay daweynta iyo qaliinka Cunaha, Sanka iyo  Dhegaha.

4-    Dr.Xasan Raaqi oo ah khabiir ku takhasusay cudurada guud iyo wadnaha.

Iyo dhakhaatiir kale oo isugu jira soomaali iyo ajaanib.

Fiiro Gaar Ah: Isbitaalku wuxuu u guuray dhismaha cusub ee ku yaalla xaafadda Kpp agagaarka saldhigga degmada Hodon,

Wixii faahfaahin intaa dheer kala xiriir numberada kala ah : 0612221334 / 0612221335  Email: Info@alihsanhospital.so

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -